Getting Electricity

WAXYAABAHA LOOGA BAAHANYAHAY MACAMIILKA CUSUB

REQUIREMENTS

  1. Macmiil kasta oo koronto loo xirayo waa inuu leeyahay aqoonsi sharci ah.
  2. Haddii Macmiilka uu yahay ajnabi wuxuu soo keenayaa nuqul kamid ah ruqsadda dal ku jooga ee dawladdu bixisey.
  3. Macmiil walba oo raba koronto waa in uu leeyahay Grounding System.
  4. Macmiilka kasta oo dab loo xirayo waxaa looga baahanyahay inuu la yimaado damiin dhammeystiran
  5. Haddii macmiilka uu  damiin  la imaan waayo wuxuu dhiganayaa lacag deposit ah oo u dhiganta isticmaalkiisa hal bil.
  6. Macmiilka Waxaa loo soo cabirayaa goobta korontada loo gelinayo si loogu sheego qalabka uu u baahanyahay.
  7. Macmiilka wuxuu keensanayaa qalabka looga baahanyahay sida :-
    1. Saacadda
    2. Fiilada
    3. Nalalka
    4. Santuuq saacadda la geliyo
    5. Quful santuuqa lagu xiro
  8. Haddii Macmiilka uu yahay Ganacsi, Hotel, Warshad iyo Shirkad waa in aay leeyihiin Fire Alarm System.
  9. Macmiilka haddii uu ampare-kiisa yahay mid ka yar 15A Waxaa loo xirayaa saacad Single phase ah.
  10. Macmiilka haddii uu ampare-kiisa yahay mid u dhaxeeya 15A ilaa 50A waxaa loo xirayaa saacad Three phase ah.
  11. Macmiilka haddii uu ampare-kiisa uu yahay mid ka badan 50A waxaa loo Xirayaa Current Transformer
  12. Macmiilka wuxuu saxiixayaa shuruudaha badqabka korontada ee shirkaddu diyaarisey
  13. Macmiilka waa inuu buuxiyaa form-ka diiwaangelinta ee hoos ku qoran

Haddii Macamiilka korontada loo xirayo ay tahay Single Phase Waxaa shaqada loogu dhammeynayaa 3 saacadood gudahood(3hrs)

CONNECTING TIME

  1. Haddii Macamiilka korontada loo xirayo ay tahay Three  Phase  Waxaa shaqada loogu dhammeynayaa 3 -5 saacadood gudahood(3-5hrs)
  2. Macamiilka u abaahda in Current Trannformer loo dhigo waxaa la qiimeynayaa baaxadda shaqada loo qabanayo kadibna waxaa loo sheegayaa waqtiga ay shaqadiisa u dhammaaneyso.

INSTALLATION COST

  1. Macamiika Single phase-ka ah waxaa laga qaadayaa USD 18 oo ah Connecting Cost.
  2. Macamiilka Three phase-ka waxaa laga qaadayaa USD 30 oo ah Connecting Cost
  3. Macamiika Current Transfomer loo dhigayo Cost-ga laga qaadayo waxay ku xirantahay baaxadda shaqadiisa inta ay la egtahay.

New connection request form